DAGAALKII SHIRQOOLAD; DARAASAD KA HADLEYSO QAABABKII IYO SHIRQOOLADII AY FULIYEEN SIRDOONKA YAHUUDA KUNA FULIYEEN HALGAMAYAASHII FALASTIINIYIINTA IYO CASHARKA AAN KA BARAN DOONO. Qeybtii 2aad.

1
787

DARAASADAAN IYO WAXAY SALKA KU HEYSO;

Daraasadaan waxay farta kuugu fiiqi doontaa su’aal muhiim ah taasoona ah; Muxuu yahay arinka ugu weyn ee guusha u keena shirqoolada? Yacni ayadoo la iska indho tiraayo awooda sirdoonka yahuuda  sidee ayuu shahiidka shirqoolka ku dhintay ugu ogolaaday inu Mowsaadka (sirdoonka yahuuda) soo gaaraan shirqoolna ku dilaan? Maxayna tahay duruufta ku xeeran shahiiidka taasoo mowsaadka awood u yeesheen in uga soo xaluushtaan ??

Arinta aan ogaaneyno ayaa waxay tahay in cadowga uu shirqooladiisa fuliyay asigoo ka faa’ideysanaayo shakhsi kasta halka uu ka jilcanyahay sidaas owgeed waxaan daraasadaan uga hadli doonaa’

1-Inaan taxliil ku sameyno qofkasta oo shirqool ku dhintay ama shirqoolidiisa la isku dayay anagoo mid mid u kala qaadeyno.

2-Waxaan eegi doonaan xaalka uu ku sugnaa qofkasta oo shirqoolka lagu fuliyay si aan isugu geyno meelaha ay iska soo galaan iskana shabahaan.

3-Inaan taxliil ku sameyno duruurftii u ku noolaa qofka markaas shiroolka loo dhigay.

4-Inaan taxliil ku sameyno habkii uu amnigiisa ahaa qofka markaas miiska inoo saaran.

5-Waxaan daraasad kasta ka qaadan doonaa natiijada kasoo baxda anagoona natiijooyinka isbarbardhig ku sameyn doono si aan u gaarno tafsiirinta ama cadeynta dhacdada iyo meelaha ay iska shabahaan qaab cad.

CUTUBKA KOOWAAD;

DIB U MILICSIGA TAARIIKHDII SHIRQOOLADA YAHUUDA.

Shirqoolada adeegsigooda waxay bilowdeen tan iyo markii loolanka siyaasadeed aduunkaan ka bilowday hase yeeshee Yahuuda waxay caan ku yihiin in markasta gabaad ka dhigtaan shirqool, waana habka ay markasta qofka lidi ku ah kula dagaalaan xitaa waxay habkaas kula dagaaleen misna shirqooleen nabiyadii iyo Rusushii alle korkooda nabad galyo ha ahaatee.

Sida uu qur’aanka inoo sheegayo yahuuda qaabka ay u taxriifiyeen una badaleen kitaabkoodii Towraadka  iyo in ay gabaad ka dhigtaan qaab kasta oo ay qofka kale kaga guuleysan karaan markastana dantooda fiirsadaan iyagoo qofkasta oo aan kamid aheyn cunsuriyeeya waxayna aaminsanyihiin iney yihiin shacabkii alle doortay halka dadka kalana ku tilmaamaan “Al-Gowyiim” oo ay ula jeedaan dad aanan laheyn sifo basher dhameystiran sidoo kalana aan laheyn xurmada naftooda iyo maalkoodaba yahuud kastana uu xaq u leeyahay inuu dili karo qofkasta oo aan yahuuda ka mid aheyn maalkiisana la wareegi karo asigoona sabab kaliya uga dhigan karo inuusan yahuud aheyn.

SHIRQOOLKII NABI YAXYE IYO NABI ZAKARIYE cs.

Yahuudu waxay dileen nabigii alle ee Zakariya korkiisa nabadgalyo ha ahaatee waliba qaabka ugu foosha xun ayay u dileen iyagoo miinshaar ku kala gooyay, waxay kaloo dileen wiilkiisii Nabi Yaxye caleyhi salaam asigoona taagan kuna tukanaya mixraabka wayna gowraceen madaxiisana waxay u geeyeen xaakimkii Roomaanka asigoo saxan saaran.

SHIRQOOLKII AY LA MAGAAGEEN SUUBANAHEENA MUXAMED scw.

Yahuudu waxay isku dayeen iney shirqool ku dilaan nabi Muxamed scw.

Nabiga scw ayaa yahuud reer banii nadir u tagay asigoona ka doonayay diyo labo nin oo la dilay heshiiska madiina lagu daganaana wuxuu ahaa in diyada la qeybsado sidaas owgeed ayuu nabiga scw ugu tagay yahuuda.

Markuu u tagay diyadiina weydiiyay ayay dhaheen iyagoo dhagartoodii lasoo baxay; halkaan nagu sug abal qaasimow qeybta diyada nooga soo aaday baan kuu keeneynaaye.

Markii ay tageen ayay shirqool maleegeen waxayna qaarkood qaar kale ku dhaheen ma heleyno fursad midaan ka fiican oo aan Muxamed ku dilno sidaas owgeed ayay u wakiisheen yahuud la dhihi jiray Camar bin jaxaash bin kacab naclad alle haku dhacdee inuu dhagax weyn qaato misna nabiga scw kor uga soo tuuro halkaasna ku dhinto.

Balse shirqoolkooda alle subaxaanahu watacaalaa ma ahan mid moogan isla markiiba waxaa soo dagay jibriil oo khabarkii yahuuda iyo shirqoolkoodii sida Nabigana scw halkii ayuu kasoo kacay asxaabtana kasoo daba kaceen.

Shirqoolkaas yahuuda nabiga scw u maleegtay waa midkii sababay in reer banii nadir laga baro kiciyo magaalada madiina.

SHIRQOOLKII SHACABKA

La soco qeybta 3aad.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here