DAGAALKII SHIRQOOLADA; DARAASAD KA HADLEYSO QAABABKII IYO SHIRQOOLADII AY FULIYEEN SIRDOONKA YAHUUDA KUNA FULIYEEN HALGAMAYAASHII FALASTIINIYIINTA IYO CASHARKA AAN KA BARAN DOONO. Qeybtii 1aad.

0
695


 

Buugaan waxaa loo hadiyeeyay Shahiid Haani Caabid…..

“waxaad aheyd kii ugu horeeyay mana noqon doontid kii ugu dambeeyay…” “Anagana waxa kaliya ee aan sugeyno ayaa ah waqtigaan shahaado ku qaadan doono gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ama xabada qoriga”.

WAXAA DIYAARIYAY; ABUU JIHAAD DHALACTI.

WAXAA TURJUMAY; CABDIRAXMAAN XASSAN ANTEENO.

DARAASADAAN

Wuxuu ahaa ka hadlida shirqoolada ay fuliyaan sirdoonka yahuuda mid ka indho saaban badanaa warbaahinta kuwaasoo aanan ka hadlin wax kabadan muuqaalada duuban, awoodna u laheyn iney kala furfuraan ama faahfaahin ka bixiyaan nooca shirqool loo maleegay iskaba daayee iney xal u helaan qaababkii ay uga hor tagi lahaayeen iyo wadooyinka ay u mari lahaayeen.

Hase yeeshee shirqoolkii lagu dilay Haani Caabid kaasoo ay khaarijiyeen sirdoonka yahuuda wuxuu igu riixay inaan maro wadadaan isla markaasna aan dagaalka dhanka kale u rogo dagaalkaasoo ay waligoodba yahuuda ku fulin jireen mujaahidiinteena iyo halgamayaasheena, sidaas owgeed waxaan isku dayi doonaa inaan taxliil ku sameeyo qaababkii ay shirqoolada u dhaceen iyo wadooyinkii loo marayba, waxaana farta ku fiiqi doonaa qaar kamid ah wadooyinkii aan mari karnay si aan cadowga uga gaashaamano iyo fursadii aan u heysanay inaan dagaalkaan guul ka gaarno kaasoona aheyd hadafkii dagaalkeenii dhiiga badan ku daatay, mana iska indho tiri doono doonista Alle iyo awoodiisa aananlaga hor tagi Karin (Maadaama wax dhacay laga sheekeynaayo) balse waxaan juhdigaan bixiyay anigoo fulinayo qowlkii nabiga scw “caqliyeyso allana talo saaro”

Wuxuu ahaa shrqoolkii loo maleegay Haani Caabid mid ruuxda dadka ku faafiya walwal iyo murug iyo suaalo culus kuwaasoo aysan xamili Karin mujaahidiintii halgankii joogtada ahaa ku jiray su’aalahaas oo ahaa;

Mala gaaray xiligii tijaabooyinkii lamaray laga faa’ideysan lahaa? Mise waan ka meer meernaa ka jawaabida su’aashaas oo yahuuda ayaan faraha uga qaadnaa si ay halkooda uga sii wataan shirqooladooda joogtada ah kuwaasoo ay nagu fulinayaan iyagoo ka faa’ideysanyo caajiska na saaran iyo isku haleynteena iyo inaan marnaba wax cashar ah kabaran duruustii hore??

DARAASADAAN;

Daraasadaan markaan diyaarinayay waxay wajahday dhowr arimood oo ishkaal igu furay;

Tan koowaad; Qaabka shirqoolada iyo dhagarta malahan wax qaacido ah, isigoo dhagar qabaha uu markasta ka badbaado in shirqoolkiisa la fahmo kuna fadeexoobo waxaana u sabab ah fulinta shirqoolka oo markasta ah mid sir ah, waxayna shirqoolada qaar ku tiirsanyihiin curiyaha kadiska iyo lama filaanka ah (meel aan markasta laga fileyn ayuu wax ka dilaa).

Waa sax in dagaalka shirqoolada markasta curiyaha kadiska ku tiirsantahay hase yeeshee waa mid markasta lawada arki karo natiijadiisa kaliya taasna anaga nama siineyso wax cashar ah oo aan ka baranay maadaama waxkasta kadis u dhaceyn ma heli kartid faahfaahin ka baxsan siduu qaraxa u dhacay maadaam curiyaha kadiska ah ku tiirsanyahay.

Tan labaad; Daraasadaan waxay xooga saareysaa mudadii u dhaxeysay 1950kii ilaa 19994tii waana in kabadan 40 sano.

Mudadaas waa mid aad la isku khilaafay sabab la xiriirta duruurfta markaas jirtay kuwaasoo salka ku haayay arimo siyaasadeed iyo dano gaar ah, mana ahan mid qarsoon loolankii ka dhaxeeyay sirdoonkii soofiyeetkii iyo kuwii Mareykanka wuxuuna dagaalkii qaboobaa saameyn weyn ku yeeshay dagaalkii shirqoolada waana sabab kale iyo arin kale oo ishkaal keeni karto.

Tan sadaxaad; Waxay tahay masaafada baaxada weyn leh ee lagu daadiyay dhiigii halgamayaasha kasoo bilow Oslo soo mar Roma, Paris Beyruut , Toonis, Athens ilaa Gaza.

DARAASADAAN IYO WAXAY SALKA KU HEYSO;

La soco qeybta 2aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here