DAGAALKII SHIRQOOLADA; Shirqooladii lagu dilay Folke Bernadotte, Yaxye Al-Mushdi iyo aqoonyahanadii reer Germany. Qeybtii 3aad.

0
415

SHIRQOOLKII SHACABKA

Qarnigii 20aad ayuu bilowday dhibaatada shacabkeena falastiin ku habsatay kadib markii gumeystayaashii reer galbeed carabtii muslimiinta ku salideen cadowgii yahuuda.

Waxay bilaabeen dhagartoodii iyo jariimooyinkoodii iyagoona carabta iyo muslimiintii aanan siinin wax fursad ah ay uga takhalusaan shartooda waxayna yahuuda sidii caadada u aheydba bilaabeen iney shirqoolo maleegaan si gabi ahaanba umadeena loo cirib tiro.

Shirqooladii ay fagtii hore maleegeen ma aysan aheyn mid fardi (Kali kali) ah balse waxay aheyd sida taxane shirqoolo oo shacab miskiin ah loo maleegay shacabkaasoo ahaa umadii reer falastiin iyo in gabi ahaanba jiritaankooda la baabi’iyo.

SHIRQOOLKII LAGU DILAY DHEXDHEXAADIYIHII UNka.

20kii bishii 5aad 1948dii UNka ayaa ninka la yiraahdo Folke Bernadotte usoo magacaabay inuu dhex dhexaadiyo kiiska ka dhex aloosnaa yahuuda iyo falastiin.

Folke Bernadotte wuxuu wax walbo u waday dhanka falastiiniyiinta oo sida lawada ogyahay qadiyadooda mida saxan aheyd wuxuuna doonayay inuu badalo xeerkii 29kii bishii 10aad 1947dii yahuuda iyo falastiiniyiinta dhulka loogu kala qeybiyay, sidaas owgeed yahuuda ayaa shirqool ku dishay 17dii bishii 9aad 1948dii si ay uga hortagaan inuu isbadal sameeyo.

Folke Bernadotte waxaa lagu dilay magaalada Qudus waxaana dileen cutubkii kumaandoosta ee ka tirsanaa xarakada “ليحي” oo ahaa dagaalamayaashii Israa’iil waxaana cutubkaan argagaxisada ahaa hogaaminayay Isxaaq Shamir ra’iisul wasaarihii hore ee Yahuuda.

SHIRQOOLKII AQOONYANADA

Kadib markuu dhamaaday dagaalkii labaad ee aduunka sidoo kalana maamulkii naasigii jarmalka meesha laga tuuray waxaa dhacday in aqoonyahano badan oo jarmal ah ay usoo baqoolaan dhanka Masar iyagoo xaaladii taagneyd kasoo cararay.

Aqoonyahanadaas markii ay masar yimaadeen wuxuu madaxweynihii hore ee Masar Jamaal C/Naasir bilaabay inuu aqoontooda iyo khibradooda ka faa’ideysto wuxuuna bilaabay inuu ku dhiso warshadaha hubka iyo tiknoolijiga casriga ee dagaalada.

Yahuuda waxay ka cabsadeen hormarka uu sameynayo Jamaal C/naasir iyo inuu dhisayo dowlad quwad weyn leh taasoo qalqal galin karto jiritaankooda iyo gumeysiga ay ku haayaan falastiin, sidaas owgeed waxay Mowsaadka go’aansadeen iney talaabo dagdag ah qaadaan isla markaasna burburiyaan mashruucaan intuusan xoogeysan.

Sirdoonka yahuuda waxay soo direen shakhsiyaad loo tababaray dilka aqoonyahanadaas iyagoo dileen barfasoor Wolfgang Pilz kadib dhaawacyo halis ah ay u geysteen sidoo kale waxaa qarax lagu dilay gabadhii gacanyaraha u aheyd.

Intaas kuma ekaanine waxay dileen shan kamid ah shaqaalihii masaarida u qaabilsanaa warshadeynta hubka iyagoona lagu dilay qarax weyn waxaana lagu dilay warshada gantaalada sameysa dhexdeeda.

SHIRQOOLKII LAGU DILAY YAXYA AL-MUSHDI.

Sidoo kale sirdoonka yahuuda waxaa lagu tuhmayaa iney iyaga ka dambeeyaan shirqoolo loo dhigay aqoonyahano carab ah kuwaasoo lagu dilay qaar kamid ah wadamada reer galbeedka iyo ameerikada waqooyi.

Waxaa la xaqiijiyay doorka ay yahuuda ku lahaayeen shirqoolkii lagu dilay aqoonyahankii masaarida ahaa ee Yaxye Al-Mushdi wuxuuna kamid ahaa aqoonyahanada kuwooda ugu caansanaa asigoona aqoon durugsan u lahaa fiisikiska iyo hubka nukleerka.

Yaxya Al-Mushdi ayaa magaalada Paris kula galay heshiis shirkada Caracal si uu uga iibsado madaada Uranium isla markaasna uu Ciraaq uga caawiyo sameysashada hubka nukleerka balse sirdoonka Yahuuda ayaa ka war heleyn waxayna teleskaatka ku ogaadeen tafaasiil ku saabsan safarkii lagu waday inuu magaalada Paris ku tago waxayna ogaadeen hotelka uu dagi doono iyo qolka uu kasii dagi doono.

Arintaas waxay sirdoonka yahuuda u fududeysay kahor inta uusan gaarin Paris in ay qolkiisa ku xiraan qalabka la isku jaajuuso si ay dhaqdhaqaaqiisa ula socdaan sidoo kalana waxay qolkii uu Hotelka ka daganaa ku qariyeen labo agent waxaana dhacday in 13dii bishii 6aad 1980kii Yaxya Al-Mushdi laga helay qolka Hotelka uu ka daganaa asigoo dhiigiisa dhex dabaalanayo kadib markii labadii sargaal sirdoonka ahaa gowraceen.

SHIRQOOLKA MAXAABIISTA.

La soco qeybta 4aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here