Dagaalkii ugu weynaa oo Jimcadaan Tiyaatarada India ka dhici doono xili Ajay,Kajol iyo Saif oo dhinac ah ay dagaal la gali doonaan Rajinikanth iyo Suniel Shetty sidoo kale Akshey iyo Deepika kama marna meesha.

0
1497

Jimcadaan waxaa tiyaatarada India la saari doonaa filimo waaweyn kuwaasoo sanadkaan lagu furfuri doono waxaana halkaan kusoo qaadan doonaa filim kasta xogtiisa.

Ugu horeyn aan ku bilowno filimka Bollywoodka ee Tanhaji kaasoo uu hogaamiye kayahay jilaaga Ajay Devgan sidoo kalana ay ku wehliyaan Saif Ali Khan iyo Kajol.

Filimkaan ayaa kawarami doono noloshii dagaalyahankii weynaa ee Tanhaji waana door uu matali doono Ajay Devgan asigoona filimka uu laadar kayahay Saif Ali Khan waxaana Ajay iyo Saif filimka ku dhex mari doono dagaal culus halka Kajol ay mataleyso jaceylka Ajay.

Filimkaan ayaa waxaa Box Officeka kula dagaali doono filimka weyn ee Darbar kaasoo uu hogaamiye kayahay Mega Star Rajinikanth waxaana ku wehliyo sidoo kalana laadar ka ah jilaaga weyn ee Suniel Shetty kaasoo dhawaan fanka dib ugu soo laabtay.

Darbar waa filim Tamil ah wuxuuna awoodiisa ugu badan noqon doontaa Tamilka balse sidoo kale waxaa jirto qeyb af hindi lagu daawan doono midaasoo dagaal la gali doonto filimka Tanhaji.

Intaas kuma eka waxaa jiro filim kale oo cusub waana filimka Chhapaak kaasoo ay hogaamineyso atariishada weyn ee Deepika kuna mataleyso doorkii gabadhii wajiga aashitada looga shubay waana filim asna saameyntiisa leh waliba doorkaan waxaa loo badinayaa in Deepika ay ku qaadan doonto abaal marino farabadan oo ay qeyb katahay National Awards.

Sidoo kale Akshey Kumar iyo filimkiisa Good Newwz kaasoo haatan Box Officeka wacdaro ka dhigaayo dhankooda ayay dagaalka ka gali doonaan maadaama ay todobaadkoodii 3aad u tahay waxaana filimkaan Blockbuster ka noqday gobolada East Punjab iyo Delh/NCR asigoona tiyaatarooyinka halkaas ku yaalo laga taaban doonin maadaama uu siweyn uga gadmaayo.

Isku soo wada duuboo jimcadaan waxaan arki doonaa 4 filim oo tiyaatarada ku hardami doono isla markaasna dagaal kulul uu Box Officeka ku dhexmari doono waana arin aad u xiiso badan.

Insha’allah dib ayaan idiin kaga soo sheegi doonaa filimadaan iyo sida tiyaatarada loogu qeybin doono iyo filim walba inta uu nasiibka u helo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here