Dagaalkii waa bilowday iyo filimada Tanhaji, Chhapaak iyo Good Newws sida tiyaatarada loogu kala qeybiyay.

0
1059

Waxaa subaxaan tiyaatarada Bollywoodka lawada saaray filimada cusub ee Tanhaji – The Unsun Warrior iyo Chhapaak kuwaasoo ay kala hogaaminayaan Ajay Devgan iyo Deepika Padukone ayadoo uu horay tiyaatarada u saarnaa filimka Good Newwz kaasoo waliba todobaadkiisii 3aad gudo galay.

Filimka Tanhaji – The Unsun Warrior waxaa Ajay ku wehliyo  xaaskiisa Kajol iyo Saif Ali Khan oo laadar ka ah waana filim taariikhi ah asigoona subaxaan la siiyay tiyaatarada ugu badan India.

Tanhaji – The Unsun Warrior waxaa la siiyay 3300 ilaa 3400 tiyaatar waana tiyaataro ku filan inkastoo aanan filimkaan xayaysiin balaaran loo sameynin sidoo kalana hadalheyn xoogan uusan abuurin.

Dhanka kale filimka Chhapaak asigana waxaa hogaamineyso atariishada Deepika Padukone ayadoona ku mataleyso doorkii gabadhii wajiga aashitada looga shubay waana filim qiiro leh misna dhacdo si dhab u dhacday ka hadlaayo.

Chhapaak waxaa la siiyay 1800 ilaa 1900 tiyaatar qiyaas ahaan wuxuuna filimkaan ku tiirsanaan doonaa qaabka sheekadiisa ay isku celiso inkastoo uu yahay filim loogu talo galay reer magaalka.

Ugu dambeyn filimka Good Newwz oo todobaadkiisii 4aad ku jiro ayaa la siiyay 850 tiyaatar waana arin wanaagsan oo filimkaan ganacsigiisa todobaadka sadaxaad ka caawin doonto inuu lacago fiican keeno sidoo kalana loolanka qeyb ka noqdo.

Halkaan hoose kaga bogo sida tiyaatarada loogu kala qeybiyay filimadaan;

Tnahaji – The Unsun Warrior; 3300 ilaa 3400 tiyaatar qiyaas ahaan.

Chhapaak; 1800 ilaa 1900 tiyaatar qiyaas ahaan.

Good Newwz; 850 tiyaatar qiyaas ahaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here