Ugu dambeyn dambaska jilaaga caanka ah Sushant Singh Rajput ayaa maanta biyaha la raacin doonaa waliba wabi udhow Mumbai ayaa dambaskiisa la geeyn doonaa sida wararka sheegayaan qoyskiisa ayaana hader qaban qaabada arinkaas kujiraan.

Waxaa ka qeyb gali doonaan ama dambaska biyaha raacin doonaan sida la sheegay aabihiis, gabdhaha la dhashteen, saaxiibtiis Rhea Chakraborty iyo shaqsiyaad kale oo qaraabada kamid ah sido kale Ankita Lokhande waa la filaa iyadana inee kasoo qeyb gasho.

Balse waxaa laga cabsi qabaa taageerayaasha qaaska ah ee Sushant Singh inee meesha soo buux dhaafiyaan ileen waa kuwa careysan kuna dadaalayaan u hiilinta Sushant taasi ayaana horseedu doonto buuq badan meesha iyo caabuqa Corona inuu sii faafo.

Sushant waxuu dunida ka tagay 14-june halka 15-june Mumbai lagu gubau wax caruur ah kama uusan tagin kaliya waxuu xiriir la lahaa Rhea Chakraborty qorshahana waxuu ahaa inee is guursadaan sanadkaan gudihiisa waliba qeybaha dambe is dilkiisa shaqsiyaad Bollywood katirsan ayaa loo sababbeeyay sida Karan Johar iyo xubno kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here