Doorka James Bond waa door weyn misna classic noqday waana taxan mudo nus qarni kabadan soo socday kaasoo marba jilaa cusub loo dhiibaayay.

Jilaagii ugu dambeeyay ee taxanahaan la wareegay wuxuu ahaa jilaaga Daniel Craig kaasoo markii ugu horeysay taxanahaan James Bond kasoo muuqday sanadkii 2006dii kadib markii uu keenay qeybtay la yiraahdo Casino Royal wuxuuna wixii markaas ka dambeeyay kasoo muuqday dhamaan qeybaha kale ee taxanahaan.

Taxanahaan oo filim ah ayaa qeybtiisa ugu dambeyso waxaa jilaayo isla jilaagaan Daniel Craig balse wuxuu sheegay iney tahay midi ugu dambeysay isla markaasna uusan mid kale kasoo muuqan doonin waana go’aankiisii ugu dambeeyay.

Lama yaqaano sababta uu 51 jirkaan u diidaayo inuu sii wado qeybaha kale ee taxanah james Bond kaasoo uu ka caan baxay waxaana qeybta ugu dambeyso oo lagu magacaabo No Time To Die soo bixi doontaa April 2020ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here