Mashruuca weyn ee Darbar kaaso uu hogaamiye ka yahay Superstar Rajnikanth sido kalena laadar ka yahay lana xifaaltamaayo Suniel Shetty ayaa maalintiisa kowaad wacdaro kadhigay Box-office-ka.

Wadarta ganacsigiisa dibad iyo dal waxuu noqday 51 Crore maalintiisa kowaad waana ganacsi heer sare ah inkastoo laga filaayey ganacsi intaas ka badan maadama Rajni awoodiisa xiligaan cirka kujirto.

Dhanka kale Filimkaan 32 Crore nadiif ah gudaha India ayuu ka keenay halka canshuurta kahor 37 Crore tahay lacagihiisa India marka wadarta guud dibad iyo dal canshuurta kadib waa 51.2 Crore sida shabakada Andhara Box-office soo daabacday.

Kooxda cajaladaha qeybiyaan ayaa ka heleen saami ahaan 28.2 Crore maalinta kowaad lacagaha dibad iyo dal waana macaash weyn sido kale maalintiisa labaad ganacsigiisa dibad iyo dal naga filow goordhow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here