Halyeey Bollywood Rishi Kapoor intuusan geeriyoon kahor wuu dardaarmay fariin weyn oo bulshads guud ahaanteeda anfaceysa ayuuna kaga tagay waana qoraalkii u dambeeyay ee uu barahs bulshada soo dhigay.

Bilawgii bishasn April ee dhamaadka ah ayuu Twitter-kiisa soo dhigay qoraalkan dad badan oo xiligaas ku baraarugin hadalkiisa ayaa maanta dib u xasuusteen oraahdiisa waxayna wacad ku mareen inee gows dambeedka ku qabsan doonaan talladii halyeeygan. Maxuu ahaa qoraalkii Rishi kaga tagay bulsha weynta iyo dardaarankiisa hoos kaga bogo sidan ayuu u qornaa:

“Caabuqa Coronavirus waxuu noqday musiibo dunida soo wajahdo xal u helisteedan ay adkaatay waxaanse rajeynaa in dhowasn xal loo heli doono misane laga takhlusi doono inkastoo maalin walba dadas jecel nahay uu sababsaday.”

“Waxaan bulsha weynta kula talin lahaa inee cudurkaan si wadajir ah ula dagaalamaan aan la dagaalano cudurkaan hubaal ahaan waan ka guuleysan doonaa hala qaato tallooyinka dowlada iyo bahda caafimaadkaa soo jeediyeen.”

“Ballanteena iyo dardaarankeena waa la dagaallan Covid-19 si wadajir ah sidaas ayaa isku ognahay yaan la dhaliilsan cudurkaan” Rishi ayaa qoraalkaas baraha bulshada dhigay dad badan ayaa ku baraarugeen wacadna ku mareen in talladii Rishi kudhowaad bil kahor soo jeediyay markuu noolaa maanta dhaqan galiyaan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here