“Daroogo ayee igu qasabtay waxeesan cunin malahan daroogada”Kangana Afkeeda ayee iskubaxareesay waxaa kudhagan Saaxiibkeedi hore..WARBIXIN RASMI AH!!

0
2928

Talaadadii, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maharashtra, Anil Deshmukh wuxuu sheegay in Booliska Mumbai ay baari doonaan Aktarada Bollywoodka Kangana Ranaut maadaama ee xariir laleedahay kooxo daroogiistayaal ah. Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa sheegay in baaritaanka la wado.

waxaa jira eedeymo uga yimid Adhyayan Suman oo wareysi hore ku sheegay in atirishada ay isticmaali jirtay daroogada sidoo kalena ay ku qasabtay inuu isticmaalo daroogada. BooliiskaMumbai ayaa baaraya Kangana Ranaut eedeymaha isticmaalka daroogada,ayuu yiri Wasiirka Arimaha Gudaha Maharashtra

Wareysi ay la yeelatay Bollywood Hungama sanadkii 2016, Kangana Ranaut saaxiibkeedii hore Adhyayan Suman wuxuu ka hadlay xiriirkiisii ​​hore iyo wixii uu soo maray. Wareysigii hore, Adhyayan wuxuu ku andacooday in atariishada ay daroogo sameyn jirtay. “Waxaan lacabay hash ama xashiish Kangana Ranaut tiro 4-5 jeer. Haa, waxay iga codsatay inaan qaato maandooriye (cocaine), ayuu yiri.

Isaga oo sii hadlaya ayuu yiri, “Waxaan kudhahay maya, ma doonayo inaan sameeyo. Ma aanan arkin iyada oo si joogto ah u isticmaaleesa maandooriyaha, laakiin si joogto ah ayay xashiishka ucabi jirtay. Markii la waydiiyay in Kangana Ranaut ay beeninayso sheegashooyinka, Suman wuxuu yiri, “Waa cadaalad. Markasta way inkiri lahayd, ma aqbali doonto. Haddii damiirkeedu nadiif yahay, waa inay aqbasho waxa aan sheegayo. Haddii kale, way ka hor tagi kartaa iyadoo siiwadaneeso howsheeda muqaadaraadka. ”

Dhanka kale, ka dib markii Xafiiska Xakamaynta Mukhaadaraadka (NCB) uu dacwad ka gudbiyay Rhea Chakraborty iyo kuwa kale oo la xiriira qeyb kamid ah daroogada ee kiiska dhimashada jilaaga Sushant Singh Rajput, atariishada Kangana Ranaut ayaa afkeeda kudoonatay inay caawin kahesho NCB.

“Haddii Xafiiska Xakamaynta Mukhaadaraadka uu soo galayo baarista dadka caanka ah bollywoodka waa inuu kabilaabaa daroogiistayaasha Ranbiir Kapoor Ranveer singh iyo kuwa kale oo daroogada kunool , haddii baaritaanka dhiigga la sameeyo waxyaabo badan oo naxdin leh ayaa dhici doona. Waa in laga nadiifiyaa dhiigooda kuwa dhalinta bari kudaysa karaan”ayay ku qortay Twitter.

Maanta iyadee kufoorartaa waayo jaceylkaaga haduuba toosh kuugu ifiyo baxar makuu dhimna tusaale Rhea sidii horay iyo gadaal looguwaday milif ayee kadhigeen policeka waxkalane looma heesto inee jaceelkiisa aheyd Sushant arintana waxbadan ee ka ogatahy…Kangana waalagaa nasan waayee Meeshaa kudambeeso halkaan ayaa ufadhinaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here