David Beckham ma duqoobo xili uu kaalinta 14aad ka galay shakhsiyaadka ugu wajiga qurxoon. Messi iyo Ronaldo kaalmahee galeen?

0
1181

David Beckham laacibka England horayna ugu ciyaari jiray kooxaha Manchester United iyo Real Madrid ayaa markale kasoo muuqday 100ka waji ee ugu quruxda badan aduunka asigoona markaan hogaaminayo laacibiinta kubadda cagta maadaama uusan jirin laacib ka horeeyaa.

Sidoo kale Antonie Griezmann, Lio Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa qeyb ka ah laacibiinta ugu wajiga qurxoon sida warbixinta lagu sheegay.

Laacibka kooxda Barcelona Lio Messi ayaa galay kaalinta 98aad halka Cristiano Ronaldo uu kasoo muuqday kaalinta 72aad.

Antonie Griezmann ayaa isna galay kaalinta 61aad waxaana ka horeeyo David Beckham oo galay kaalinta 14aad.

Abaal marintaan oo ay qeyb ka ahaayeen shakhsiyaad dunida caan ka ah ayaa waxaa cayaartoyda uga soo muuqatay 4taan player sidaan ayayna kaalmaha u kala galeen.

Messi kaalin 98aad.

Ronaldo kaalin 72aad.

Griezmann kaalin 61aad.

Beckham kaalin 14aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here