Day 1 Mornin Update; Filimka Actionka ee Commando 3 sida uu subaxaan tiyaatarada India kaga furmay.

0
1607

Filimka Commando 3 waxaa hogaamiye ka ah jilaaga Actionka looga haray ee Vidyut Jammwal waana qeybtii 3aad ee taxanaha Commando.

Commando 3 ayaa saakay tiyaatarada India kaga furmay qaab aad u hooseeyo wuxuuna ku furmay 10% waxaana xusid mudan in filimkaan ka bilaabasho wanaagsanaa filimka Marjaavaan kaasoo labo isbuuc kahor tiyaatarada la saaray tiiyoo ay jirto in filimka Marjaavaan heesihiisa Hit noqdeen sidoo kalana uu ahaa filim jaceyl.

Hadaba maadaama uu filimkaan yahay mid Action ah rajo weyn lagama qabo in maanta galinkii dambey sare ukac xoogan sameeyo waayo filimada Actionka sidaas loogama baran.

Arinta jirta ee xusida mudan ayaa waxay tahay in filimkaan labadiisii qeyb ee hore aysan jirin mid guuleysatay waayo Commando wuxuu noqday Below Average halka Commando 2 uu noqday Flop sidaas oo ay tahayna waxaa la sameeyay Commando 3 waxaana ugu wacan in filimkaan TVyada uu Blockbuster ka noqday halka tiyaatarada uu Flop ka noqday waxaana lacagaha lagu qarash gareeyay dib looga soo celiyay TVyada sidaas darteed waa filim TVyada ku xoogan balse tiyaatarada Flop ka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here