Day 1 Morning Update; Ajay Devgan waasoo laabtay iyo filimka Tanhaji – The Unsun Warrior sida uu subaxaan tiyaatarada India kaga furmay.

0
1620

Filimka Tanhaji waxaa hogaamiye ka ah Super Star Ajay Devgan waxaana ku wehliso atariishada Kajol ayadoo uuna Saif Ali Khan uu laadar kayahay waana filim taariikh dagaal ah oo Masala ah.

Tanhaji ayaa subaxaan tiyaatarada India kaga furmay qaab wanaagsan asigoona waliba filimkaan tiyaatarada Multiplexka iyo Single Screenska isku si uga furmay ogowna waa filim min tuulo ilaa magaalo loogu talo galay.

Tanhaji ayaa tiyaatarada Multiplexka kaga furmay subaxaan 25% waana bilaabasho wanaagsan halka tiyaatarada Single Screenska uu ayadana kaga furmay 22% inkastoo filimkaan xayaysiin balaaran loo sameynin hadana fagta hore qaabka uu ku furmay waa arin wanaagsan.

Waa hubaal in maanta duhurkii iyo caawo fiidkii uu filimkaan sare u kac fiican sameyn doono waxaana hadii laga shidaal qaato hanaanka uu saakay ku furmay laga qiyaas qaadan karaa in filimkaan maanta uu keeni doono qiyaastii 15 crore waana bilaabasho wanaagsan maadaama maanta ay tahay maalin shaqo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here