Day 1 Morning Update; filimka Dabangg 3 iyo sida uu subaxaan kaga furmay tiyaatarada India.

0
1200

Saakay waxaa tiyaatarada India la saaray filimka Dabangg3 kaasoo ah filim Action misne taxane ah horayna u daawanay labadiisii qeyb ee hore.

Dabangg3 saakan kuma furmin sidii laga filaayay asigoona subaxaan kaga furmay tiyaatarada Multiplexka 20% ilaa 25% halka uu kaga furmay tiyaatarada Single Screenska 25% ilaa 30%.

Bilaabashadaan filim kale waxay noqon laheyd Good Opening balse filim Action ah misna uu Sallu hogaamiye kayahay in qaab iska dhex dhexaad ku bilowdo ma aheyn waase loo cudur daari karaa filimkaan maadaama ay Hindiya bandow iyo rabshado ka jiraan.

Khubarada qaar waxay sheegeen in bilaabasho wanaagsan tahay marba hadii D3 asigoo ciladahaan heystaan uu qaabkaan ku furmay waxaase laga filan karaa maanta galinkii dambe iyo caawo fiidkii inuu sare u kac wanaagsan sameeyo.

Sidaan horayba idiin kuugu sheegnay filimkaan ayaa maalintiisa koowaad laga filan karaa 25 crore ilaa 30 crore hadii aan qaabka uu ku furmay ku cabirnana isla lacagtaas ayaa lagan filan karaa maalintiisa koowaad.

Waxkasta waa macquul sidaas owgeed meesha haka saarin in maanta galinka dambe sare u kac waali ah sameyn karo lacagtiisana gaari karto ilaa 35 crore waxayse ku xirantahay qaabka uu filimkaan maanta u gadmo iyo siduu caqabada uga gudbo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here