Day 1 Morning Update; Filimka Good Newwz iyo sida uu subaxaan kaga furmay tiyaatarada India.

0
1130

Filimka Good Newwz waxaa hogaamiye ka ah Super Star Akshey Kumar waxaana ku wehliyaan Kareena Kapoor, Diljit Dosanjh iyo Kiara Advani waxaana Directed ka ah Raj Mehta.

Filimkaan ayaa saakay la saaray tiyaataro u dhaxeyso 3800 ilaa 3900 waana tiyaataro aad u badan asigoona subaxaan guud ahaan India kaga furmay 20% ilaa 25%.

Bilaabasha Good Newwz waa arin wanaagsan maadaama maanta tahay maalin shaqo waxaana la rajeynaa maanta galinka dameb in filimkaan sare u kac fiican sameeyo si ganacsigiisa maanta u gaaro 20 crore.

Arinta wanaagsan ayaa waxay tahay in filimkaan uu maanta qaab wanaagsan kaga furmay Delhi/UP asigoona waliba halkaas kaga furmay 30%  waxaana xusid mudan in filimka Dabangg 3 uu halkaas aad uga liitay ganacsigii laga filaayayna uusan ka keenin.

Good Newwz maanta waa inuusan ganacsigiisa 15 crore kahoos marin si filimkaan darajo sare u gaaro ganacsiga ugu badan ee laga filan karana waa 22 crore hadii maanta galinka dambe sare u kac weyn sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here