Waxaa saakay aroortii tiyaatarada India la saaray filimka Pagalpanti waana filim shactiro ah misna lagu kulmiyay jilayaal badan oo uu hormuud u yahay John Abraham.

Filimkaan waxaa Directed ka ah filim sameeyaha Anees Bazmee waxaana jilayaal ka ah John Abraham, Anil Kapoor, Arshad Warsi, Pilkit Samrat, Kriti Kharbanda, Ileana D’Cruz, Urvashi Rautela iyo Saurabh Shukla.

 Filimka Pagalpanti ayaa saakay si wanaagsan uga furmay tiyaatarada India asigoona ku furmay 9% ilaa 14% waana sida guud uu India oo dhan kaga furmay waxaana la filayaa in maanta duhurkii ilaa caawo fiidkii uu sare u kac wanaagsan sameeyo waxayna taasi filimkaan ka caawin doontaa in maalintiisa koowaad ganacsi wanaagsan sameeyo.

Halkaan hoose kaga bogo filimka PagalPanti iyo magaalo walba qaabka uu uga furmay subaxaan;

Delhi NCR 10%

Mumbai 10%

Pune 5%

Bengaluru 8%

Hyderabad 25%

Kolkata 10%

Ahmedabad 15%

Chennai 30%

Surat 5%

Jaipur 10%

Chandigarh 5%

Bhopal 5%

Lucknow 5%

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here