Filimka Shikara waa filim lagu soo caan bixinaayo jilayaasha kala ah Aadil Khan iyo Sadia waxaana filimkaan sameeyay Directedkii sameeyay filimkii Mission Kashmir ee Vidhu Vinodh Chopra isla asiga ayaana maalgalinaayo filimkaan.

Sheekada filimkaan ayaa waxay ka hadlee dhacdo ka dhacday Kashmir mudadii u dhaxeysay 1989kii ilaa 1990kii waa sheeko Romantic ah.

Filimkaan ayaa saakay gudaha India la saaray 550 shaashad waana tiyaataro aad u yar iyo jilayaal masraxa ku cusub balse filimkaan sheekadiisa iyo qaab jiliinka jilayaasha cusub ayay wax walba ku xirnaan doonaan.

Shikara wuxuu subaxaan ku furmay si lamid ah siduu filimka Malang ku furmay asigoona saakay ku furmay 10.88% waana bilaabasho dabiici ah.

Maadaama maanta maalin shaqo tahay filimkaan waxaa laga dhar sugaa sida uu duhurkaan sare ugu kaco iyo caawo iyo sida uu maalmaha sabtida iyo axada u gadmo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here