Day 1 Noon Update; Maa shufnaa walaa maqalnaa Filimka Darbar qabasho malahan 90ka ayuu garaacayaa.

0
1992

Filimka Darbar waxaa hogaamiye ka ah rug cadaaga reer Tamil ee Rajinikanth waana filim Tamil ah waxaana laadar ka ah jilaaga Bollywoodka balse baryahaan koonfur u wareegsaday ee Suniel Shetty .

Darbar ayaa subaxaan ku furmay nadaamka waalida ee loo yaqaano Bumper Opening asigoona gaaray 76% waliba xarunta Tamilka wuxuu kaga furmay 90% waana bilaabasho cajiib ah hana iloobin in magaalooyinka qaar uu xitaa garaacay 100% bilaabsho waana wax aan horay loo arag inkastoo magaalooyinkaas tiyaataro badan la saarin.

Dhanka Telagu wuxuu ku furmay saakay 60% waana bilaabasho Excellent ah halka Bollywoodka uu kaga furmay 8.68% waxaana ugu wacan in uusan halkaasi hscabiyad balaaran ku laheyn balse Rajini Bollywood waxba ugama baahna waxaana ka badan lacagaha Tamilka iyo Telagu.

Darbar duhurkaan wuxuu marayaa qeybta Tamilka bilaabasho 80.95% asigoona sare u kac fiican sameeyay balse galabta ayuu kasii daray wuxuuna garaacayaa 88% bilaabasho ah .

Sidoo kale Telagu sare u kac wanaagsan ayuu sameeyay asigoona duhurkaan ku furmay 67.55% halka galabta uu maraayo 77.93% waxaana muuqato in filimkaan maanta uu 40 crore ka talaabi doono asigoona Tamil iyo Telagu siweyn u gilgilaayo.

Dhanka Bollywoodka duhurkaan wuxuu Darbar ku furmay 10.60% walina lama soo bandhigin galabta halka uu maraayo.

Dhanka dibada Darbar maalin barked ayuuba kudhawaad nus Million dolar kusoo xareeyay asigoona siweyn uga gadmaayo daafaha caalamka.

Mega Star Rajini looma dhawaan karo waa 70 jir shacbiyada 40 jir leh waxaan sugnaaba haatan waa natiijada filimka Darbar maalintiisa koowaad la yimaado.a

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here