Home » Box Office » Day 1 Upate: Kapil Sharma filimkiisa Firangi iyo Sunny Leone filimkeeda Tera Intezaar oo ganacsi bur bur ah sameeyeen

Day 1 Upate: Kapil Sharma filimkiisa Firangi iyo Sunny Leone filimkeeda Tera Intezaar oo ganacsi bur bur ah sameeyeen

Shactiroole Kapil Sharma waxaa shalay tiyaatarada loo saaray filimka Firangi kaasi oo maalintiisa kowaad sameeyay ganacsi aad u liito wuxuuna keenay 1.75 Crore ilaa  2 Crore ganacsi u dhaxeeyo sida shabakada Boxoffice India soo daabacday.

Waxaa la yaab ah in Kapil Sharma filimkiisii ugu dambeeyay Kis Kisko Pyaar Karoon maalinta kowaad 8 Crore ku dhawaad keenay halka Firangi 2 Crore gaari waayay maalintiisa kowaad!

Kapil Sharma wuxuu doortay fariin aan u qalmin muuqaalkiisa madaama shactiro looga bartay waxay ahayd inuu la imaado filim Firangi ka duwan oo ah mid 100% shactiro dhameestiran ah markaas daawadayaashiisa TV-ga kaga xiran tiyaatarada wey soo aadi lahaayeen.

Dhinaca kale filimka Tera Intezaar ee Sunny Leone hogaamiye ka tahay sidoo kalena la jilaayo Arbaaz Khan ganacsi bur bur ah ayuu maalintiisa kowaad sameeyay wuxuuna keenay 40 Lakh ilaa 45 Lakh lacago u dhaxeeyo waana mashruuc aan rajo weyn laga qabin madaama maalintiisa kowaad uu bur buray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *