Day 2 Box Office Collection; Waa waali cas Filimka Sarileru Neekevvaru ee Mahesh Babbu sida uu subaxaan ku furmay iyo halka uu caawo maraayo.

0
1923

Filimka Sarileru Neekevvaru oo uu hogaamiye kayahay Suldaan Mahesh Babu ayaa gudo galay maalintiisii 2aad asigoona wacdaro ka dhigaayo Box Officeka Telagu.

Filimkaan ayaa shalay oo Sabti aheyd dhulweynaha Telagu kasoo xareeyay 51 crore canshuurta kadib wuxuuna ka lacag badiyay filimka Tamiloka ee Darbar kaasoo maalintii koowaad soo xareeyay 32 crore asigoona haatan Sarileru Neekevvaru uu yahay filimka lacagaha ugu badan sanadkaan soo xareeyay maalintiisa koowaad guud ahaan India.

Ganacsigii waalida ee uu shalay filimkaan sameeyay kaliya kuma hakan doono maantana isla sidii shalay ayuu ku furmay asigoona subaxaan tiyaatarada Telagu kaga furmay 97.83% waana bilaabasho kal oo weyn wuxuuna filimkaan duhurkaan gaaray 98.68% halka caawo fiidkii uu garaacayo 99.48% waana arin muujineyso awooda Suldan Mahesh Babu uu koonfur kuheysto.

Filimkaan maanta isla qaabkii shalay ayuu ku socdaa hase yeeshee isla ganacsigii shalay ma keeni doono waxaana ugu wacan tiyaatarada oo ku yar maadaama tiyaataradii shalay la saaray inbadan oo kamid ah maanta laga dajiyay maadaama filimka Allu Arjun tiyaatarada isla qeybsan doonaan.

Hadii filimka Allu Arjun aan todobaadkaan tiyaatarada la saari laheyn filimka Sarileru Neekevvaru wuxuu mudo 2 maalmood luuqada Tamilka kaliya ka keeni lahaa ku dhawaad 100 crore balse haatan taasi ma dhaceyso.

Sida muuqato qiyaasta xili hore Sarileru Neekavvaru wuxuu maalintiisii labaad keeni dooonaa 27 ilaa 28 crore asigoona isku darka labo maalmood ku keeni doono kudhawaad 80 crore.

FG; lacagahaan waa qiyaas walina lacagihii rasmiga ee filimkaan lama soo daabacin waxaana macquul ah markii lacagaha rasmiga lasoo saaro in intaan ay ka bataan ama ka yaraadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here