Filimka Street Dancer 3 waa qeybta sadaxaad ee filimada ABCD iyo ABCD 2 kuwaasoo horay Box Officeka guul uga gaaray waxaana jilayaan Varun Dhawan, Shraddha Kapoor, Prabhu Deba iyo Nora Fatehi.

Balse waxaa muuqato in qeybtaan aysan u guuleysan doonin sidii qeybihii hore u guuleysteen maadaana shalay uu qaab Average ku furmay asigoona keenay ganacsi dhex dhexaad ah wuxuuna soo xareeyay 9.50 crore asigoona ka gaabiyay xitaa 10 crore inuu keeno.

Street Dancer ayaa maanta ku furmay qaab wacan asigoona ku furmay 25-30% waana bilaabasho wanaagsan inkastoo maanta india maalinta Jamhuuriga u tahay misna fasax qaran uu jiro hadana Street Dancer wuxuu sameeyay 50% sare u kac.

Filimkaan ayaa shalay ku furmay 15-20% waana qaab iska normal ah balse maanta ayuu sifiican ku furmay waxaana la rajeynaa in maanta duhurkii iyo caawo fiidkii uu sare u kac xoogan sameeyo sidoo kale filimkaan wuxuu gacanta kuheystaa bari oo axad ah.

Qiyaasta xili hore waxay sheegeysaa in filimkan maanta uu keeni doono 14 ilaa 15 crore waxayna ku xirnaan doontaa qaabka uu sare u kac u sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here