Tanhaji-The Unsung Warrior ayaa saaka subaxii xiliga hindiya ku furmay qaab waali ah maadama sabti ahed tanina waxay saadaal u tahay inuu maanta Filimkaan iskoor dhigi doono waliba galinka hore maanta wacdaro ayuu tiyaatarada kadhigay.

Tanhaji waxuu ku furmay subaxii hore 45-50% inta udhaxeyaa waana bilaawasho weyn maadama shalay uu kufurmay 25% waxuuna keenay 15 Crore kudhowaad maalintiisa kowaad bal qiyaas hadii maanta uu ku furmay 45% imisa ayuu keeni karaa maalintiisa labaad?

Qiyaasta xili hore waxay sheegeysaa in maanta oo sabti ah Tanhaji keeni doono 20 Crore ugu yaraan xitaa 25 Crore inuu gaaro waa macquul hadii caawa uu tiyaatarada gil gilo berina waa axad fasax weyn ayaa jiro hubaal ahaan seddexdiisa maalmood ugu horeyso ayuuba mashruucan wacdaro weyn iyo iskoor weyn dhigi doonaa.

Duhurkaan waa sii karaar qaatay galabtaa ilaa caawa wixii kasoo kordha Tanhaji kala soco Shabakada Filimside.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here