Filimka Pagal Panti ayaa maalintii shalay aheyd ganacsi liito sameeyay asigoona qaab hooseeyo ku furmay balse duhurkii iyo fiidkii xalay sare u kacii loo baahnaa ma uusan sameynin taasoo ka dhigtay in ganacsiga filimkaan gaabis noqdo isla markaasna 5 crore soo xareeyo.

Pagalpanti maanta ma uusan sameynin wax isbadal ah asigoona isla qaabkii shalay ku furmay wuxuuna subaxaan tiyaatarada India kaga furmay 15% waana niyad jab kale oo kooxda filimkaan lasoo daristay.

Filimkaan oo maanta lagu waday in sare u kac xoogan sameeyo si uu tiyaatarada baaqi ugu sii ahaado ganacsi fiicana u keeno ayaa haatan u muuqanin in sidii laga filaayay sameyn Karin waxaana haatan looga fadhiyaa in maanta duhurkii iyo caawo fiidkii sare ukac xoogan sameeyo si ganacsigii liitay ee shalay uga soo kabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here