Day 2 Morning Update iyo filimka Dabangg 3 oo markale qaab niyad jab ku furmay.

1
1180

Waan ka xunahay taageerayaasha Salman Khan markale akhbaar aan fiicneyn ayaan idiin sidnaa taasoo ah in filimka Dabangg 3 markale subaxaan qaab hooseeyo waliba qaabkii shalay ka liito ku furmay asigoona guud ahaan ku furmay 20% ilaa 25% halka tiyaatarada Multiplexka oo uu shalay kaga furmay 30% saakay kaga furmay 20%.

Hoos u dhacaan Dabangg 3 qabsatay ayaa salka ku heyso xaalada amni ee wadanka India ka taagan taasoo imaaday kadib markii sharciga jinsiyadaha dalkaasi wax laga badalay ayadoo dadka aan muslimka aheyn balse wadanka joogay mudo 6 sano sharciga loo ogolaaday awalna 11 sano la isku siin jiray balse dhibka wuxuu yahay in Muslimiinta wadankaas qaxootiga ku ah la faquuqay isla markaasna aanan loo ogolaanin sharciga wadankaasi arintaasoo sababtay dibad baxyo kadhan ah sharciga cusub waxaana gobolo badan oo India ka tirsan gaar ahaan waqooyi India lagu soo rogay bandow.

Qiyaasta xili hore lacagaha uu maanta keenayo Dabangg 3 waa mid adag in laga hordhaco markii loo fiiriyo qaabka uu ku furmay waxaana suurto gal ah in maanta galinka dambe sare ukac wanaagsan sameeyo ama xaalka sii xumaado.

Wixii Update ah ee filimkaan kusoo kordho duhurnimada maanta ayaan idinku soo wargalin doonaa balse subaxaan xaalka ma wanaagsan.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here