Home » Box Office » Day 2 Morning Update: Maalintiisa labaad siduu ku furmay filimka TOH?

Day 2 Morning Update: Maalintiisa labaad siduu ku furmay filimka TOH?

Filimka weyn Thugs Of Hindustan maalintiisa kowaad bilaabasho taariikhi ah ayuu la yimid madaama uu noqday filimka ugu horeeyay ee maalintiisa kowaad 50 Crore soo xareeyo wuxuuna siweyn kaga faa’iideestay fasaxii feestada Diwali.

Balse maanta waa maalinta tijaabada kowaad u bilaabaneyso filimkan madaama sheekadiisa dhaliil xoogan ay usoo jeediyeen dadkii shalay u daawasho tageen iyo kuwa arimaha aflaanta ka faaloodaan.

Filimka TOH maanta wuxuu ku furmay 41% ilaa 42% inta u dhaxeyso dhamaan gobolada Hindiya taasi oo ka dhigan inuu siweyn kaga hooseeyo sidii uu shalay Hindiya oo dhan kaga furmay oo ahayd 65% ilaa 70%.

Sidoo kale TOH wuxuu hoos uga dhacay tiyaatarada Multiplex ee reer magaalka u daawasho tagaan asigoo subaxaan kaga furmay 35% halka shalay uu tiyaatarada kaga furmay 60% waxayna arintan muujinee in reer magaalka bilaabeen inay isku sheeg sheegaan fariintiisa inay liidato balse wuxuu weli ganacsi adag ka sameenayaa tiyaatarada Single Screens madaama dadkaas dhagaha u dhigin dhaliilaha filimada loo soo jeediyo oo ay jecel yihiin aflaanta iyo mada daalada leh inay daawadaan.

Waxaa laga rabaa TOH inuu sare u kac sameeyo galabta iyo maanta gelinka dambe si mashruucan ganacsigiisa isku celiyo wey ku filnaan doontaa haddii uu maanta 30 Crore keeno balse gambaleelka ayaa ku yeeri doono filimkan haddii maanta ganacsigiisa 30 Crore ka hoos maro taasi oo muujineyso dhaliilaha loo soo jeedinaayo dhan walbo inay saameyn ku yeesheen.

Waxaan u rajeneynaa Aamir Khan filimkiisa TOH inuu ganacsigiisa wacan iska sii wato sidoo kalena aysan waxba u dhimin dhaliilaha filimkiisa loo soo jeedinaayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *