Day 3 Box Office Collection iyo Housefull4 sida uu subaxaan kaga furmay tiyaatarada India.

0
1151

Housefull 4 ayaa si wanaagsan ku furmay markale subaxaan inkastoo uu axadiisa koowaad tahay hadana waa maalin Hinduuga ku mashquulsanyihiin Diwaliga mana la fileynin inuu sare u kac sameyn doono balse inuu is caliyo ayaa la rabay.

Housefull ayaa subaxaan tiyaatarada kaga furmay 20% ilaa 25% waana bilaabasho lamid ah tii shalay oo kale balse Housefull4 ayaa maanta sidii shalay kaga hooseeeyo tiyaatarada Multiplexeska maadaama uu shalay kaga furmay 35% halka maantana uu ku furmay 30%.

Housefull ayay u badantahay in axadiisa koowaad uu keeni doono 16 ilaa 17 crore asigoona hoos u dhac yar sameyn doono balse isniin talaado iyo arbaco ayaa la filaa inuu si adag u gadmo dadweynahana kusoo xoomaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here