Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff filimkooda War ayaa labadiisa maalmood ugu horeesay keenay 74 Crore (Trade Figure) waana ganacsi heer sare ah wuxuuna maanta guda galay maalintiisa sedexaad ee uu tiyaatarada saaran yahay weliba maanto oo Jimco ah waa maalin shaqo marka lagama filaayo fagta kowaad gelinka hore inuu si xawli ah u furmo.

Filimka War ayaa subaxan ku furmay 20% ilaa 25% sida guud balse wuxuu ku wanaagsan yahay tiyaatarada Single Screens halka Multiplex uu hoos u dhac weyn ka sameeyay waana arin la filaayay madaama maanta maalin shaqo tahay.

Filimka War sedexdiisa maalmood ugu horeesay sida uu subax walbo ku furmaayay fadlan hoos kaga bogo:

Arbaco subaxdii hore 70% ilaa 80% (Fasax qaran)

Khamiis subaxdii hore 25% ilaa 30% (maalin shaqo)

Jimco subaxdii hore 20% ilaa 25% (maalin shaqo)

Dhinaca kale filimka War xiliga duhurka Hindiya sare u kac wanaagsan ayuu sameeyay wuxuuna haatan gaaray 30% ilaa 35% waxaana la rajeynaa in caawo fiidkii sare usii kici doono qiyaas ahaana waxay u baadan tahay maalintiisa 3-aad filimkan inuu 20 Crore keeni doono waana ganacsi kale oo adag kadibna Sabti iyo Axad ayuu siweyn u gadmi doonaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here