Filimka Baaghi 3 ayaa maalintiisii sadaxaad gudo galay inkastoo filimkaan caqabado soo wajaheen taasoo uu ugu horeeyo cudurka Corona Virus hadana wali ganacsi adag ayuu sameynayaa.

Baaghi 3 ayaa maan ku furmay qaab ka wanaagsan sidii uu jimcihii iyo sabtidii ku furmay asigoona ku furmay saakay 30% waana bilaabasho wanaagsan taasoo ka caawin doonto in maanta ganacsi wacan sameeyo.

Sida muuqato Baaghi 3 maanta oo axad ah wuxuu keeni doonaa qiyaas ahaan 19 ilaa 20 crore waxaana macquul ah hadii maanta duhurkii iyo caawo fiidkii sare u kac xoogan sameeyo in lacagihiisa intaas ka bataan.

Filimkaan hadii caqabadaha uu haatan wajahaayo uusan wajihi laheyn hubaal ganacsi intaas ka badan ayuu keeni lahaa balse nasiib xumo waqti aan habooneyn ayuu kusoo aaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here