day 3 morning Update; filimka Marjaavaan siduu ku furmay maanta oo axad ah.

0
1407

Filimka Marjaavaan ayaa gudo galay maalintiisii sadaxaad kadib markii uu labdii maalmood ugu horeeyay keenay ganacsi wanaagsan asigoona dib usoo celiyay inta badan lacagaha ay kooxda cajaladaha filimkaan ku iibsadeen.

Filimka Marjaavaan ayay kooxda cajaladaha ku iibsadeen 15 crore asigoona ilaa iyo haatan keenay 14 crore mudo labo maalmood taasoo ka dhigan in filimkaan si sahlan Hit ku noqon doono.

Marjaavaan ayaa saakay ku furmay si wanaagsan wuxuuna dhamaan tiyaatarada India kaga furmay 25% ilaa 30% waana arin wanaagsan uu muujineyso in maanta markale sare u kac sameyn doono isla markaasna macquul tahay inuu gaaro darajada 10 crore.

Hadii filimkaan uu maanta 7 crore hoos uga dhicin misna uu keeno 8 ilaa 10 crore sidoo kalana uu maalmaha shaqada is celiyo waxay ka dhigantahay inuu si fudud Hit dhameystiran ku noqon doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here