Day 3 Morning Update; Looma dhawaan karo Ajay filimkiisa iyo qaabka uu subaxaan ku furmay.

0
1168

Ajay Devgan filimkiisa Tanhaji oo ay ku wehliyaan Saif Ali Khan iyo Kajol ayaa saakay si kaduwan sabtidii iyo jimcihii kaga frmay tiyaatarada India.

Tanhaji – The Unsung Warrior oo jimcihii ku furmay 25% ayaa shalay oo sabti aheyd sare u kacay wuxuuna ku furmay 50% balse maanta oo axad ah ayuu filimkaa Excellent ku furmay asigoona subaxaan tiyaatarada India kaga furmay 65%.

Waa hubaal in maanta duhurkii iyo caawo fiidkii filimkaan dadweynaha usoo daawasho tagi doonaan isla markaasna uu sare u kac waali sameeyo waxaana macquul ah in ganacsigiisa xitaa uu dhaafo 30 crore balse sida uu haatan ku furmay waxaa laga qiyaas qaadan karaa in manta ugu yaraan uu keeni doono filimkaan 25 crore hadii aynan waxba is badalin.

Filimkaan in 30 crore gaaro waxay ku xirnaan doontaa sida maanta duhurkii uu sare ugu kaco iyo caawo fiidkii balse maanta Tanhaji waxay u tahay maalin weyn waxaana muuqato in filimkaan dadweynaha ka heleen fariintiisa.

Arinta kale ee filimkaan kabeyso ayaa waxay tahay inuu yahay filim loogu talo galay dabaqadaha kala duwan ee shacabweynaha India ka koobanyahay isla markaasna uusan lamid aheyn filimka Good Newwz oo dabaqadaha sare uun loogu talo galay.

Halkaan hoose kaga bogo qaabka uu Tanhaji ku furmay mudo 3 maalmood subaxdii hore;

Jimce; 25%.

Sabti; 45-50%.

Axad; 65%.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here