Filimka Darbar ayaa maanta oo sabti ah ku furmay nadaamka loo yaqaano Bumper Opening asigoona maalintiisii koowaad isla qaabkaas ku furmay wuxuuna filimkaan maanta oo sabti ah markale ku furmay qaab weyn.

Darbar oo mudo 2 maalmood kusoo xareeyay 47 crore ayaa markale siweyn ku furmay asigoona subaxaan kaga furmay tiyaatarada india gaar ahaan Tamilka 72.49% waana bilaabasho Excellent ah xili filimkaan uu duhurkaan maraayo 76.67% .

Waxaa xusid mudan in filimkaan xarunta Tamilka ee Chennai uu saakay kaga furmay 80% halka duhurlaana uu garaacayo 90% waana qaab u dhow siduu laga furmay maalintiisa koowaad filimkaan.

Sidoo kale magaalada Bengaluru oo tiyaataro badan filimkaan laga daawanaayo ayaa isla qaabka Chennai ku furmay (80%) asigoona duhurkaan maraayo 90% waxaana muuqato in labada magaalo ugu muhiimsan Tamilka uu filimkaan lacago fiican kasoo xareyn doono maanta oo sabti ah.

Qiyaasta xili hore filimkaan maanta wuxuu keeni doonaa 18 ilaa 20 crore hadii uusan lacago ku darsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here