Day 3 Noon Update; Filimka Tanhaji indhaha halaga daawado ayaa ka dhacday iyo wacdaraha uu Box Officeka ka dhigaayo maanta oo axad ah.

0
1318

Filimka Tanhaji ayaa subaxaan qaab Excellent kaga furmay guud ahaan tiyaatarada india asigoona ku furmay 65% waana bilaabasho heer sare ah.

Balse duhurkii maanta ayuu filimkaan karaar qaatay wuxuuna gaaray 80.69% halka caawo fiidkii (xiliga India) uu maraayo 90% waana arin aan dhawaanahaan Bollywoodka ka dhicin.

Filimka Tanhaji oo sheeko ahaan siweyn loo amaanay ayay subaxaan daawadayaasha Hindiga ku xooomeen waxaana duhurkii maanta iyo caawo fiidkii labuuxiyay tiyaatarooyinka sida lagu soo waramayo waliba magaalooyinka qaar sida Mumbai filimkaan saakay ayaaba la buuxiyay oo uu kaga furmay 90% halka duhurkaan iyo caawo fiidkii maraay 95%.

Sidoo kale magaalada Delhi/NCR oo uu jimcihii ka liitay ayuu maanta siweyn kaga furmay asigoo saakay ku furmay 60% halka duhurkaan uu gaaray 70% wuxuuna caawo marayaa 85% waxaana muuqato in filimkaan maanta ganacsi weyn uu sameyn doono.

Halkaan hoose kaga bogo filimkaan iyo guud ahaan magaalo walba sida uu maanta kaga furmay iyo inta shaashad ee la saarayba;

Delhi/NCR; 71.67%.   (743 shaashad).

Mumbai; 93.33%.      (1050 shaashad).

Pune; 97.33%.             (440 shaashad).

Bengaluru; 96.33%.    (166 shaashad).

Hyderabad; 98.67%.   (88 shaashad).

Kolkata; 60%.               (266 shaashad).

Ahmedabad; 48.33%.  (362 shaashad).

Chennai; 96%.              (58 shaashad).

Surat; 63.33%.            (206 shaashad).

Jaipur; 78.33%.           (128 shaashad).

Chandgarh; 61.67%.   (113 shaashad).

Bhopal; 45%.               (92 shaashad).

Lucknow; 71.67%.      (123 shaashad).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here