Filimka Street Dancer 3 oo ah qeybta 3aad ee filimka ABCD ayaa labadiisii maalin ugu horeysay ganacsi dhex dhexaad sameeyay asigoona keenay 22 crore (Trade Figure).

Inkastoo shalay filimkaan sare u kac fiican sameeyay balse waxaa cilad ku noqotay in maalintiisii koowaad uu ganacsi Average keenay misna ka gaabiyay inuu 10 crore xitaa soo xareeyo wuxuuna keenay 9.50 crore halka shalayna keenay 12.50 crore sida BOI sheegtay.

Sidaas owgeed waa qasab in filimkaan maanta sare u kac xoogan sameeyo si uu 3diisa maalin ugu horeyso u bartilmaameedsado 40 crore.

Street Dancer 3 maanta qaab ka wanaagsan qaabkii shalay ayuu ku furmay asigoona subaxaan ku furmay 30% waana Good Opening balse duhurkaan ayuu sare u kac xoogan sameeyay wuxuuna marayaa 45% taasoo ka dhigan in caawo fiidkii markale sare u kici doono.

Arintaan ayaa waxay ka caawineysaa in filimkaan Targetkiisa gaaro misna maanta soo xareeyo 17 ilaa 18 crore si 3diisa maalin ugu horeyso u gaaro 40 crore.

Street Dancer tiyaatarka ugu badan asigaa saaran maadaama todobaadkiisii 1aad yahay sidaas owgeed waa inuu ka faa’ideystaa jaaniskaas maadaama todobaadka dambe tiyaataradiisa la dhimi doono si filimka Saif ali Khan tiyaataro loo siiyo.

Hadii Street Dancer 3 maanta 18 crore gaaro misna bari oo isniin ah is celiyo waxay u damaanad qaadeysaa in tiyaatarka baaqi kusii ahaan doono misna ganacsi wacan sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here