Home » Box Office » Day 3 Update: Padman sida uu maanta ku furmay iyo duhurkan halka uu maraayo maalin wanaagsan ayay u tahay

Day 3 Update: Padman sida uu maanta ku furmay iyo duhurkan halka uu maraayo maalin wanaagsan ayay u tahay

Superstar Akshay Kumar filimkiisa Padman ayaa markale sare u kac wacan sameeyay Axadiisa kowaad ama maalintiisa sadexaad ee uu tiyaatarada saaran yahay.

Padman ayaa ku furmay maanta subaxdii hore 45% ilaa 50% waana bilaabasho heer sare ah marka lala bar bar dhigo in sabtigii uu ku furmay 35% ilaa 40%.

Padman ayaa sidoo kale xiliga duhurka Hindiya haatan maraayo 65% waana heerkiisii ugu sareeyay sedexda maalmood ee uu tiyaatarada saaran yahay waxaana xusid mudan shalay xiligii duhurka inuu filimkan gaaray 55%.

Qaabka uu ku socdo Padman waxay ka dhigan tahay filimkaan ugu yaraan 15 Crore maalintiisa sedexaad keeni doono madaama maanta shaqada laga nasanaayo caawo fiidkii sare u kac wacan ayuu sameyn doonaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *