Filimka weyn War maanta waxay u tahay maalin muhiim u ah madaama Sabti ay tahay waana xili ay firaaqo heestaan reer magaalka haddaba mashruucan xiisaha badan ayaa guda galay maalintiisa 4-aad ee uu tiyaatarada saaran yahay wuxuuna horey mudo sedex maalmood ah usoo xareeyay 95 Crore ($13.41m).

Haddaba maanta oo Sabti ah filimka War wuxuu ku furmay 40% waana bilaabasho adag waxaana xusid mudan in Jimcadii iyo Khamiistii inuu in badan maanta ka bilaabasho wanaagsan yahay waana arin muujineyso in War maanta ganacsi adag sameyn doono.

Fadlan hoos ka eeg is bar bar dhig lagu sameeyay afarta maalmood ugu horeyso subaxdii hore sida uu filimka War ku furmaayay:

Sabti subaxdii hore 40% ayuu ku furmay

Jimco subaxdii hore 20%ilaa 25% ayuu ku furmay

Khamiis subaxdii hore 25%ilaa 30% ayuu ku furmay

Arbaco subaxdii hore 70%ilaa 80% ayuu ku furmay.

Sidoo kale xiliga duhurka Hindiya filimka War wuxuu haatan marayaa 50% ilaa 55% waana bilaabasho heer sare ah oo ka dhigan in mashruucan sii karaar qaatay sida guud waxay ka dhigan tahay filimka War in maanta oo Sabti ah ganacsigiisa 25 Crore ka talaabi doono, waxaana weli usii harsan beri oo Axad maalinta hawlaha laga nasanaayo oo mashruucan ganacsi waali ah sameyn doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here