Home » Box Office » Day 4 Update: Filimka Padman sida uu maanta ku furmay iyo halka uu duhurkaan maraayo

Day 4 Update: Filimka Padman sida uu maanta ku furmay iyo halka uu duhurkaan maraayo

Filimka Padman ayaa si dhex dhexaad ah oo is celin wacan ka muuqato ku furmay maalintiisa afaraad ee uu tiyaatarada saaran yahay.

Maanta oo Isniin ah sidoo kalena maalin shaqo ah wuxuu Padman ku furmay 20% waana bilaabasho fiican marka laga cabir qaato Jimcadii maalintiisa kowaad uu ku furmay 25%.

Padman ayaa duhurkaan xoogaa sare u kacay wuxuuna gaaray 25% sidoo kalena Waqooyiga Hindiya ayuu maanta ku xoogan yahay waana arin wanaagsan oo muujineyso in gelinka dambe uu sare u kac sameyn doono.

Padman sida uu ku socdo marka lala bar bar dhigo Jimcadii waxay ka dhigan tahay 15% ilaa 20% hoos u dhac inuu sameeyay waana hoos u dhac la aqbali karo.

Padman wuxuu u muuqdaa in tijaabada Isniinta uu ka gudbi rabo maantana ganacsi dhex dhexaad ah oo hoos u dhac weyn ka muuqan sameyn doonin.

Hadii uu maanta tijaabada ka gudbo Padman labada maalmood ee soo socoto (Talaado & Arbaco) ganacsi wacan ayuu sameyn doonaa madaama labadaas maalmood Hindiya fasaxyo ka jiraan.

One Response to Day 4 Update: Filimka Padman sida uu maanta ku furmay iyo halka uu duhurkaan maraayo

  1. abdulahi Reply

    February 12, 2018 at 6:25 pm

    sxp saki padman sidee buu hit ama blockbuster ku noqon karaa noo soo gudbi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *