Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff filimkooda War afarta maalmood ugu horeesay ganacsi ahaan wuxuu keenay 122 Crore waa qiyaas lacagtan weli rasmi ma ahan waana ganacsi weyn oo ka dhigan in mashruucan sii socon doono.

Haddaba maanta oo Axad ah waa maalin nasiino oo hawlaha iyo waxbarashada laga nasanaayo gudaha Hindiya sidaa darteed filimka War ayaa bilaabasho heer sare ah la yimid wuxuuna ku furmay 50% ilaa 55% waana maalinta uu ugu bilaabasho wanaagsan yahay marka laga reebo Arbacadii oo fasax qaran gudaha Hindiya ka jiray.

Fadlan hoos kaga bogo is bar bar dhig aan ku sameenay filimka War 5-maalmood ugu horeyso subaxdii hore sida uu maalin walbo ku furmaayay:

Axad subaxdii hore wuxuu ku furmay 50%-55%

Sabti subaxdii hore wuxuu ku furmay 40%

Jimco subaxdii hore wuxuu ku furmay 20%-25%

Khamiis subaxdii hore wuxuu ku furmay 25%-30%

Arbaco subaxdii hore wuxuu ku furmay 70%-80%

Sidoo kale maanta duhurkii xiliga Hindiya filimka War wuxuu ku bilaawday 65% ilaa 70% waana bilaabasho aad u sareyso taasi oo xaqiijisay filimkan Action-ka ah in maanta oo Axad ah 30 Crore ka talaabi doono ganacsi ahaan ilaa 35 Crore gaari doono mana laga saari karo meesha si waali ah 40 Crore inuu ku keeno haddii uu fiidkii sare u kac xoogan sii sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here