Day 5 Update: filimka Padman iyo maalintiisa 5-aad sida uu ku furmay subaxdii iyo duhurka xiliga Hindiya

Filimka Padman ayaa maanta oo Talaado ah ka bilaabasho wanaagsan shalay oo Isniin ahayd taasi oo muujineyso inuu maanta ganacsigiisa fiicnaan doono madaama gobolada qaar Hindiya fasaxyo ka jiraan.

Padman ayaa ku furmay maanta 20% subaxdii hore balse xiliga duhurka ayuu sare u kacay wuxuuna gaaray 30% asigoo u muuqdo in maanta gelinka dambena uu sare usii kici doono.

Padman isku bar bar dhigiisa shalay iyo maanta subaxdii iyo duhurkii sida uu ku furmay hoos kaga bogo:

Talaado subaxdii 20% (Isniin subaxdii 20%)

Talaabo duhurkii 30% (Isniin duhurkii 25%)

Padman waxaa la rajeynaa inuu sare usii kaco taasi oo ka caawin karto in ganacsigiisa maalinta shanaad ama Talaadadiisa kowaad uu noqdo 6 Crore ilaa 7 Crore inta u dhaxeyso.

2 Comments

  1. sxb waan idin salamay marka hore filimside dhamaantiin.

    halkuu ku danbeeyay filimkii tiger zinda hai theatreka muu ka dagay mise wuu saaran yahay laakinse imisa lacaga ayuu marayaa ilaa imika uu keenay

    mahadsanid

Comments are closed.