Day 6 Morning Update; filimka Good Newwz oo maanta siweyn ku furmay ganacsi weyn ka filo.

0
1597

Filimka Good Newwz ayaa siweyn uga faa’ideysanayo fasaxa sanadka cusub asigoona maanta qaabkuu ku furmay ka agdhow qaabkii uu axadii ku furmay asigoona axadii keenay 26 crore.

Good Newwz ayaa subaxaan ku furmay 35% asigoona lagu wado in maanta duhurkii galabta iyo caawo fiidkii siweyn sare ugu kaco qiyaasta xili hore maanta oo arbaco ah misna ah maalintiisa lixaad wuxuu keeni doonaa lacago u dhaxeeyaan 22 ilaa 25 crore.

Good Newwz iyo sida uu ku furmay subaxii hore mudo 6 maalmood halkaan hoose ka eeg;

Jimce; 20-25%

Sabti; 30%

Axad; 40%

Isniin; 18-19%

Talaado; 20-25%

Arbaco; 35%

Dhamaan waa galinka hore iyo sida uu subaxaan kaga furmay tiyaatarada India .

Haatan Good Newwz waa hubaal inuu maanta 20 crore ka saro mari doono balse hadii uu gaarayo 25 crore iyo hadii kale waxay ku xirnaan doonaan qaabka uu maanta sare ugu kaco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here