Day 7 Update; Dabangg 3 sida uu subaxaan kaga furmay tiyaatarada India iyo halka uu duhurkaan maraayo.

0
1880

Dabangg 3 ayaa shalay qaab sare u kac fiican sameeyay inkastoo sare u kacaas uusan saameyn weyn ku yeelan doonin natiijada filimkaan maadaama maalmihii ugu muhiimsanaa uu ka faaideysan waayay hadana ugu yaraan shalay oo ay aheyd maalinta Christmaska uu ka faa’ideystay asigoona keenay 15.50 crore.

D3 maanta oo Khamiis ah ahna maalintiisii 7aad waa maalintuu ugu bilaabasho liito asigoona subaxaan tiyaatarada kaga furmay kaliya 8% ilaa 10% waana guud ahaan tiyaatarada India halka tiyaatarada dakhliga badan ee Multiplexka ayadana kaga furmay 12%

Dabangg 3 ayaa duhurkaan xoogaa yar sare u kacay wuxuuna marayaa 14% ilaa 18% guud ahaan tiyaatarada India waxayna tani ka dhigantahay hadii qaabka uu ku socdo laga cabir qaato in filimkaan maanta keeni doono qiyaastii lacago u dhaxeeyaan 6 ilaa 8 crore hadii uusan isbadal weyn dhicin galinka dambe ee maanta iyo caawo fiidkii

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here