Day Morning Uodate; Filimka Chhapaak iyo sida uu subaxaan tiyaatarada India kaga furmay.

0
1184

Saakay tiyaatarada India waa mashquul kadib markii halmar labo filim oo waaweyn la isla saaray kuwaasoo kala ah Tanhaji iyo Chhapaak ayadoona horay filim weyn tiyaatarada u saarnaa waana Good Newwz xisaabtana ku darso in wali Dabangg 3 uu tiyaatarada saaranyahay inkastoo todobaadkiisii 4aad galay sidoo kalana tiyaataro yar uun uu ku haray.

Filimka Chhapaak ayaa kamid ah filimada sida weyn loo sugaayo waliba filimkaan qiirada badan leh waxaa la saadaalinayaa in Deepika ku qaadan doonto bilada National Awards atariishada ugu fiican sanadkaan waase hadii doorkeeda siweyn uga soo muuqato.

Filimkaan ayaa saakay la saaray 1800 ilaa 1900 oo tiyaatar wuxuuna guud ahaan subaxaan tiyaatarada India kaga furmay 13.49% waana bilaabasho wanaagsan waxaana la filayaa in galabta iyo caawo uu sifiican sare ugu kaco sidoo kalana maalmaha sabtida iyo axad ganacsi fiican sameeyo.

Chhapaak sida muuqato maanta wuxuu keeni doonaa qiyaastii 6 ilaa 8 crore waana ganacsi wanaagsan iyo bilaabasho wanaagsan inkastoo wax walba ay ku xirnaan doonaan sida uu maanta duhurkii iyo caawo fiidkii sare ugu kaco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here