Deadpool 2 todobaadkiisa kowaad iyo Avengers – Infinity War todobaadkiisa afaraad ganacsigooda Hindiya

Filimka Deadpool 2 ayaa keenay 41 Crore (Trade Figure) todobaadkiisa kowaad waana ganacsi la aqbali karo laakiin maal maha shaqada ayuu filimkaan hos u dhac joogto ah sameenayay.

Waxaa muuqato in filimkaan labo ilaa sedex todobaad haddii ay ugu badnaato gudaha Hindiya sii saarnaan karo madaama qaybtiisa Af Ingiriiska lagu daawanayo kaliya gadmeyso halka qaybta Af Hindiga lagu codeeyay dadka iska diideen.

Deadpool 2 waxaa codeeyay qaybtiisa Af Hindiga Ranveer Singh weyna iska diideen daawadayaasha codkiisa sidoo kalena sanadkii hore filimka Spiderman – The Homecoming waxaa codeeyay Tiger Shroff isagana wuu fashilmay.

Waxaa wanaagsan in dadka filimada codeeyaan ee xirfadooda tahay loo dhaafo codeynta waayo jilaayaasha Bollywood-ka sida saxda filimada uga codeeyaan.

Dhinaca kale filimka Hollywood-ka ah Avengers – Infinity War ayaa keenay 4.75 Crore (Trade Figure) todobaadkiisa labaad wuxuuna haatan ganacsigiisa guud gaaray 224 Crore (Trade Figure).

Waxaa la rajeynaa filimkaan All Time Blockbuster-ka ah inu ganacsigiisa kusoo idlaado 226 Crore ilaa 227 Crore waana filim guul taariikhi ah gudaha Hindiya ka gaaray.

Fadlan hoos kaga bogo Avengers – Infinity War mudo afar todobaad ah ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay sida shabakada BOI soo daabacday:

Todobaadka kowaad – 156.52 Crore

Todobaadka labaad – 46.93 Crore

Todobaadka sedexaad – 15.88 Crore

Todobaadka afaraad – 4.75 Crore

Wadarta Guud – 224.08 Crore (Trade Figure)