Waxaa tiyaatarada saaran Filimka Chhapaak iyo Filimo kale oo uu loolan ganacsi kula jiro balse Chhapaak ayaa seddexdiisa maalmood ugu horeysay kaliya 18 Crore dhaafi waayey waana musiibo weyn oo kooxdan qabsatay.

Run ahaantii saadaasha xili hore waxay ahed in Chhapaak cimri ahaantiisa 100 Crore dhaafo balse hader 30 Crore inuu gaarayo xitaa uma badno fashil xoogan ayaa kudhacay mashruucan cidkale kama dambeyso ee Deepika ayaa usabab ah in Filimkaan ay dhinaceeda ka maalgalineyso sidan u fashilmo.

Fariinta Filimka Chhapaak: waxuu ka hadlayaa gabar 15 jir ah (Laxmmi Aggarwal) oo wadada Delhi wajiga aashito loiga shubay 2005 kadib maxkamada ayee xaqeeda ka dalbane ayadoo qaliin badana wajigeeda ku sameyneyso sido kale waxay garab istaage oo ay indho u noqone dhamaan gabdhaha wajiga aashitada looga shubay.

Talaabada Deepika qaaday: markuu Filimkaan masraxa ku cusbaa Deepika ayaa si lama filaan ah u booqatay jaamacada Jawaharlal Nehru waana jaamacad ay dhigtaan arday muslimiin ah oo kasoo horjeedaan dowlada India.

Deepika Padukone (centre) joined protesters at Jawaharlal Nehru University in Delhi, where staff and students were injured by a masked mob on Sunday.

Deepika ayaa garab istaagtay ardayda muslimiinta iyadoo ka damqatay dhibka ay dareentay weyna iscelin weyday ilaa ay ka booqatay ardaydaas qaar kamid ahna dowlada India wey dileen waana qalaalaso socday ilaa Dabangg 3 tiyaatarada laga saarayey.

Hadaba shacabkii Hinduga ahaa ayaa ku kaceen Deepika iyo sababta ay ula safatay iyadoo Hindu ah dad muslimiin ah misane dowlad diid ah arinkaan ayaa ah midka ugu weyn Deepika Filimkeeda Chhapaak loo daawan waayey ileen dadkii Hinduga ahaa wey u careysanyihiin xidigtaan ku xumeyn ayeena u diiden inee Filimkeeda u daawadaan.

Deepika caqabad ayee dhexda ka gashay booqashadii halkaas ay booqatay waxay ka dhaxashay aflagaado iyo in Filimkeeda Chhapaak ganacsi ahaan guuldareysan rabo waana mashruuc la islahaa wuu gadmi doonaa laakiin Deepika muslimiinta waxay u bixiyeen “haweeyney geesiyad ah.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here