Waxaa bilawday Decade cusub oo waxaa soo dhamaaday Decade (2010-2019) sidaa aawged loolanka jilayaasha Bollywoodka ka dhaxeeyo waa meeshii ugu sareysay waxaa la rabaa 10-kaan sano bilaawaneyso (2020-2029) in la helo atoore iyo atiriisho awooda fanka hindiya la wareegaan maadama xili Khans-ka dhamaad yahay.

Hadaba aan isla fiirino xidigaha waaweyn iyi mid walba Filimada u diyaarsan 2020 uuna rabo inuu Box-office-ka ku qabsado Akshay Kumar ayaana ugu shidan oo 4 Filim udiyaarsan xiliyada fasaxyada ugu waaweyn ayuuna saartay.

Akshay Kumar: jilaagan waxuu 2020 la imaan doonaa 4 Filim oo kala ah Sooryavanshi, Prithviraaj, Laxmmk Bomb iyo Bachchan Pandey seddex kamid ah waxuu saartay Ciidul Fitri, Diwali iyo Christmas waana fasaxyada ugu waaweyn ee Filimada la saarto sidaa aawged Kumar waxaa laga filaa inui Box-office-ka kusoo xareen doono lacago dhan 400 Crore ilaa 500 Crore inta udhaxeysa 2020.

Akshay Kumar

Ranbir Kapoor: RK 2019 wax Filim ah lama uusan imaanin Sanju ayaana ugu dambeyay wax Filim usoo baxo balse 2020 waa dhaarsanyahay waxuu la imaan doonaa labo Filim lacago qaali ah lagu sameynaayo kuwaaso kala ah Brahmastra iyo Shamshera oo labadaba laga filaayo inee keenena iskudarkooda 300 Crore ugu yaraan.

Ranver Singh: jilaagan 2 Filim ayuu la imaan doonaa 2020 oo kala ah 83 iyo Jayeshbhai Jordaar waxaana la filaa ugu yaraan inee keenan 200 Crore wadartooda maadama Ranver xili wacan dhexda kaga jiro.

Aamir Khan: Mr.Prefectionist 2018 ayaa shaashada ugu dambeysay oo uu la yimid Thugs of Hindostan kaaso daawadayaasha iska diideen hader 2020 waxuu soo wataa Laal Singh Chaddha oo Kareena Kapoor la hogaamineyso mashruucan qiyaas ahaan ilaa 150 Crore waa laga filaa inuu keeno maadama Aamir xaalkiisa Box-Office-ka hooseyo waqtigaan waxaa kaloo macquul ah inuu 400 Crore ka talaabsado oo mucjiso dhigo.

Deepika Padukone: xidigtaan 2 Filim oo ay doorka kowaad hogaaminta ku leedahay ayee soo wadaa 2020 kuwaaso kala ah Chhapaak iyo 83 wadartooda ganacsiga ay sameeyn karaan waxaa lagu qiyaasay 175 Crore ilaa 200 Crore inta udhaxeysa soo laabasho wacan Deepuu.

Salman Khan: 120 Crore ayuu lagu qiyaasay inuu keeni doono Filimkiisa Radhe ee ciidul fitriga la daawan doono labo sababood aawged mida kowaad Sallu awoodiisa Box-officeka sidii hore ma ahan wey ka taalaa markaan mida labaadna waa in Akshay Kumar iski dhici doonaa ciidul fitriga oo asna wata Laxmi Bomb.

Salman Khan

Ajay Devgn: Action Hero 2020 3 Filim ayaa miiska usaaran oo kala ah Tanhaji, Maidaan iyo Bhuji wadartooda inee 300 Crore ka talaabsan doonaa ayaa lagu kalsoonyahay.

Salman Khan, Ajay Devgn, Rohit Shetty, Simmba, Sooryavanshi, Singham

Alia Bhatt: Waaba atiriishasa kaliya ee Filimada ugu badan la imaan doonto kuwaaso kala ah mashruuca weyn ee RRR kaaso miisaaniyad 350 Crore ah xambaarsan inaba caadi ma ahan mashruucan, Brahmastra oo saaxiibked Ranbir Kapoor la wado Sadak 2 iyo Gangubai sidaa aawged Alia 4 Filim waaweyn ayee soo wadaa wacdaraha ugu weyn sanadka inee dhigto ayaa macquul ah qiyaas ahaana 600 Crore ayaa la filaa inee keenan wadar ahaan afarta filim.

Kartik Aryan: 2019 sanad wacan ayuu u ahaa xidigaan waxuuna 2020 la imaan doonaa 3 Filim kala ah Aaj Kal, Bhool Bhulaiya 2 iyo Dostana 2 kuwaaso la filaayo wadar ahaan inee keenan 150 Crore ugu yaraan.

Kartik Aaryan Instagram filter

Shraddha Kapoor: xidigtaan wey soo laba kacleysay 2020 labo Filim waaweyn ayaa u qorsheysan mid waa Street Dancer 3D iyo Baaghi 3 sidaa aawged 220 Crore ayaa la filaa Shraddha inee ka kacdo 2020.

Kiara Advani: 200 Crore ayee soo xareyn karaan wadar ahaa qiyaastii Filimada Kiara 2020 la imaan doontaa kuwaaso kala ah Bhool Bhulaiya 2, Laxmmk Bomb, Shershaah iyo Indoo Ki Jawani.

Dhamaad…

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here