Deepika Internet-ka Ayee Ka Naxsatay Kadib Marke Katrina Hambalyo Dhalasho U Dirtay Yaab!!

Atirishada Deepika Padukone ayaa maalintii shalay ahed quluubta dad weynaha baraha bulshada dhex degtay kadib markii ay hambalyo dhalasho u dirtay atirishada Katrina Kaif.

Katrina ayaa maalintii shalay ahed u dabaal dageesay sanad guurada dhalashadeeda ayadoo jirsatay 35 sano waxayna iyada iyo qoyskeeda ku dabaal dagayaan England si qaas ah London ballse xidigaha Bollywoodka ayaa baraha bulshada hambalyo dhalasho u direen atirishadan.

Galinkii dambe Deepika ayaa soo qortay sida tan,”Dhalasho wacan oo wanaagsan Katrina waxaan kuu rajeena cimri dheer iyo caafimaad” taageerayaasha Deepika iyo kuwa Katrina wey aamini waayeen qoraalkan sababto ah labadaan atirisho aduunka xurguf ayaa ka dhaxeysay kadib markii Ranbir uu dhexdooda soo galay oo ay isku heysteen.

Taageeryaaasha labada atirisho ayaa bilaaweyn inee amaan duco iyo kala dul dhacaan Deepika ayado ay ku tilmaameen qof qalbi naxariis iyo niyad saafi ah leh marba hadii ay wax walbo intee ilaawday saaxiibteed ugu hambalyeesay dhalashadeeda waxaa la sugaa sida quruxda badan ee ay Katrina ugu jawaabi doonto..