Deepika Padukone ayaa Magazine la shaqeysay maalmihii u dambeyeen oo ka qaadanayeen sawiro Fashion ah hadhow dambena ay Cover ahaan usoo saartaan shirkada Magazine.

Xidigtaan ayaa goobta wareysi yar lagula yeeshtay waxayna kaga hadashay, nolosheeda gaarka ah iyo shaqada ay kuwado filimkeeda Chhapaak suaalaha qaarkood ayaa xiiso lahaayen iyo jawaabaha ay xidigtaan ka bixisay.

Mid kamid ah suaalihii la weydiyay waxay ahed inee dadka la wadaagto waxa ay sameeyso markee carooto ama xanaaqdo amaba murugooto xitaa waxayan Deepuu sheegtay inee guriga ku kacdo oo ay nadiifiso.

Haa Deepika waxay tiri,”waxaan jeclahay inaan shaqada nadaafada qabto sidaa aawged markaa xanaaqo waa la igu shaqeysan karaa dhanka nadaafada sababto ah guriga igama nabad helo waan ku kacaa isago dhan waan nadiifiyaa xiligaas.”

” Sido kale Deepika waxay sheegtay in markee faraxsantahay xitaa mar mar guriga hagaajiso si ay caajiska isaga qaado dhanka kale waxaa la weydiiya hadii aysan jilaa noqon lahee shaqada ay qaban laheed waxayna tiri iyadoo ka jawaabeysa.

“Xarumo nadaafada bulshada ah ayaa furan lahaa waayo shaqadaas aad ayaa oga helaa balse nasiibkeyga ayaa noqday atiriishonimo mooyee saacan India gudaheed xarumo badan oo nadaafada bulshada ah waan furi lahaa hada xitaa waan ku talo jiraa midaas.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here