Wali ma daawatay Filimka WAR? Run ahaantii qofkii daawaday ayaa ogaan kara muuqaalka cusub ee soo jiidashada leh Superstar Hrithik Roshan lasoo baxay Filimkaan in badan oo taageerayaashiisa kamid ahna wey ku bogaadiyeen isbedelka HR.

Dumarkii daawadeen WAR waxay ku mashquuleen quruxa xidigaan maadama uu kamid yahay atoorayaasha ugu quruxoon dunida taariikh ahaan hakka Ragga badankood ay ku mashquuleen bandhigiisa ama qaab jiliinkiisa wacdaraha leh ee Filimkaan waxaadna soo xusuusane Dhoom 2 marka aad daawato WAR.

Deepika oo dhowaan daawatay WAR ayaa Hrithik ku tilmaamtay inuu yahay sida shukulaato muuqaalkiisana inee ka heshay ayee tilmaamtay dad badan ayaa u aqoonsandeen ine taageero u tahau HR.

Waxay tiri,”waxaan daawaday WAR inaba caadi ma ahan bandhiga Hrithik waxaa kasii daran soo jiidashada muuqaalkiisa waaba sida shukulaato madoe iyo casaan isku dhexjirta ah (shukulaatada nooca ugu midabka qurxoon dunida ee cunisteda loo badan yahay).”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here