Atiriishada caanka ah ee Deepika Padukone ayaa qoraal yar soo dhigtay baraha bulshada oo dad badan dhiiro galin u noqdeen ayadoona dhibaato soo noq noqotay si guud oga hadashay Sushant Singh Rajput na qeyb ka yahay hadaba hadalkii Deepika dadna wey la qiiroodeen dadna dhiirogalin ayuu u noqday.

Shaqsiyaad badan oo ka kala shaqeyaan Bollywoodka, Koonfur iyo Tv-yada ayaa la yaabeen sida Sushant ugu fududaaday inuu nafsada is dhaafiyo waana arin dadka qaar maskaxdooda ay qaadan la’dahay haba ugu darnaadeen kuwii isaga aadka ugu dhowaa.

Deepika qoraalkeeda baraha bulshada sida tan ayuu ahaa nuxurkiisa,”shaqsi ahaan markaan u hadlo aniga nolosha niyad-jabka waan soo arkay xanuunkeeda iyo dhibaatadeedana waan soo dhadhamiyay sidaa aawged qof qibrad ahaan usoo maray noloshaas markaan u hadlo run ahaantii waa khalad weyn in qof xanuunkaas hayo nolosha lagu cidleeyo.”

“Marwalba xusuusnaaw marwalba ka taxaddir qofka ehelkeeda ah ee xanuun maskixiyan ah hayo inaad ka akdhowaato waayo dhimirka-maskaxda qofka halis walba ayuu u horseeda sida inuu naftiisa waxyeeleyo ileen qofka haduu niyad jabo maskaxdiisa wey isla hadleysa saaxiib ama walaal udhow haduusan jirina wax walbo ayuu ku kacaa waana mida maanta na heysata ee dadkii aan jecleen kuweyno kadib markee is dilaan.”

“Fadlan halala dhaqmo dadka sidaa u xanuunsan hana laga taxadiro hadii aadan bad baadinin xigtadaada ama saaxiibkaada qofna ma celin karto.”

Deepika kaliya ma ahan aqoon-yahano iyo xidigo badan oo fanka katirsan ayaa sidaas ku baaqeen dhinaca kale Sushant wuu xanuunsana cudur maskixiyan ayaa hayey iyo niyad jab nolosha ah dhibaatada iyo murugada ugaarka ahed unbaa la garan la’yahay waana wax dunida maanta ku badan in qofka markuu niyad jabo ama dhib qabsado xalka usoo baxo waa inuu isdilo waana caqli yari midaas wadamada islaamka ayaa arintaas kuyar oo aqoon diineed ayee leeyihiin weyna ogyihiin natiijo xumida ka dhalaneyso marka qofka is dilo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here