Deepika Padukone ayaa saxaafada u shaacisay arin dadka ka qarsooneed oo malaha taageerayaasheeda qaarkood is weydiyeen sababta iyadoo Deepika ah howshas u qaban jirtay arooska kahor.

Wax kale ma ahan Deepika inta aysan guursan Ranveer Singh waxay sheegtay maalintii inee 2 jeer dharka feereysan jirtay waliba gacanteeda ku feereysan jirtay maadama ay jeceshahay.

Iyadoo arinkaan shaacineysana waxay tiri,”inta aan ka bixin nolosha doob-nimada Ranveer-na is guursanin maalintii 2 jeer ayaa caado ii ahaan jirtay inaan feeresto dharkeyga sababto ah waan ka helaa howshaas sida aawged anigo shaqaalo heesto qofna uma dirsan jirin howshaas.”

“Balse guurka Ranveer kadib howlaha ayaa igu bateen waanba la gaari waayey sida aawged dad ayaa u dirsadaa oo ii qabtaan” Deepika iyo Ranver waxay is guursadeen sanadkii hore dhamaadkiisi ama bisha November.

Waxaa soo dhow sanad guurada arooskooda lamaanahan waxaana xasuusana in 3 xafladood oo waaweyn ay gudaha India ku dhigteen kuwaaso ah ugu dabaal dagayeen arooskooda waxaana sii xigay arooskii Priyanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here