Deepika Filimkeeda Chhapaak fagtii hore si weyn ayaa loo soo dhaweyay waliba goos gooska markii lasoo bandhigaayey bandhigeeda iyo fariinta ay ka hadleysay aad ayaa loola dhacay.

Sido kale xidigtaan xayeyysiin balaaran ayee u sameysay Filimkeeda xitaa Delhi ayee booqatay iyo jaamacafa JNU si ay usoo eegto ardaydii dhaawacantay inkastoo dad ku ammaanen falkaas dad qaar ayaa kaga hor imaadeen booqashadeeda.

Chhapaak Box-office-ka fashil ayuu kala kulmay oo mashruucii dsd badan uma soo daawasho tagin hadaba sheekada halkaa kuma ekaan Filimkaan sheekadiisa qiimeyn ahaan xitaa xidigaha lagu qiimeyo wax fiican kama helin.

Shabakadaha kala duwan ee qiimeyeen mashruucan badankood xidigo yar ayee siyeen tusaale kuwa 5 xidig wax ku qiimeyaan waxay siyeen 2.5/5 halka kuwa kalena 3/5 ay siiyeen kuwa 10 xidig wax ku qiimeyaana waxay siiyeen 4.7/10 arinkaan ayee Deepika ka hadashay waxay tiri.

“Filimkeyga ganacsi xumi kaliya lama kulmin ee xidig xumi xitaa wey kudhacday maxaa sidan dhsn loogu nacay Chhapaak” waxaa xusid mudan in Chhapaak yahay Filimkii ugu horeeyay Deepika maalgaliso ka noqoto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here